Israa’iil oo duqeyn la beegsatay goobaha lagu kaydiyo hubka ee Suuriya
Israa’iil ayaa xaqiijisay in ay weerar ku qaadday saldhig maraakiibta badda ee Suuriya, taas oo qayb ka ah dadaallada ay ku doonayso in ay ku baabi’iso hubka Suuriya ee ay ka cabsi qabto inuu gacanto u galo kooxaha jihaad doonka ah. Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay burburiyeen diyaarado helikobteris ah, nidaamyada difaaca hawada iyo taangiyo.
IDF ayaa sidoo kale sheegtay in diyaaradahooda dagaalku ay fuliyeen in ka badan 350 duqeymo cirka ah oo ay la beegsadeen bartilmaameedyada guud ee Suuriya, halka ay ciidamada dhulka u dhaqaaqeen aagga ka caagan militariga ee u dhexeeya Suuriya iyo buuraha Golan ee la haysto.
Wasiirka difaaca Israa’iil Katz, ayaa sheegay in weeraradii ay qaadeen ay guulo waaweyn ka gaareen.Waxa uu uga digay fallaagada Islaamiga ah ee xukunka ka tuurtay Bashaar Al-asad in dalkiisa uusan marnaba ogolaan doonin in dad uu ugu yeeray argagixiso ay u hanjabaan Israa’iiliyiinta. Mr Katz ayaa hadalkan ka sheegay saldhigga ciidamada badda ee Haifa oo uu booqasho ku tagay.