Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Jubaland iyo Dawlada Somaliya ayaa Ka Socda Deeganka Raaskanboodi

Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in saaka uu qarxay dagaal toos ah oo u dhexeeyo ciidamada dowladda Somaliya iyo daraawiishta Jubbaland, kaas oo haatan ka socda aagga deegaanka Raaskambooni ee gobolkaasi.

Dagaalka ayaa waxaa lasoo warinayaa inay qaadeen ciidamada Jubbaland oo beegsaday deegaan lagu magacaabo Manaraani oo qiyaastii illaa 30 KM u jira Raaskambooni, halkaas oo ay fariisimo ku leeyihiin ciidamada lagu daabulay gobolka Jubbada Hoose.

Ilo wareedyo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaal xoogleh uu socdo, iyada oo ay is fara saareen labada ciidan oo dhowaanahan isku hub uruursanayay.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalka uu dhaliyay khasaare isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo gaadiid la gubay, sida ay sheegayaan xogihii u dambeeyay ee laga helayo dagaalka.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhinacyadu ay helayaan gurmadyo dheeraad ah oo kusii qul-qulaya furinta hore, waxayna taasi sii xoojin kartaa dagaalka qarxay.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha labada dhinac oo ku aadan dagaalka ka socda aagga Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker