Hoggaamiyaha fallaagada Suuriya oo war ka soo saaray saraakiishii taliska Asad ee xabsiyada ka shaqeyn jiray

Hoggaamiyaha ugu weyn ee Islaamiyiinta Suuriya, Abuu Maxamed Al-Jowlani ayaa ku dhawaaqay in lala xisaabtami doono saraakiisha sar-sare ee taliskii Asad ee xukunka laga tuuray kuwaas oo ku lug lahaa jirdil iyo tacadiyo kale oo loo gaystay maxaabiista siyaasadeed.

Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada gaar ahaan barta Telegram oo magaciisa saxda ah uu u isticmaalay oo ah Axmed al-Sharaa, ayuu hoggaamiyuhu ku sheegay ku sheegay in la daabici doono magacyada saraakiisha jirdilka geystay.

Al-Jowlani ayaa sidoo kale sheegay in dib loo so celin doono dadka Suuriyiinta ah ee u qaxay dalalka kale.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker