Xabsiyada Suuriya oo weli loo malaynayo in dad dhulka hoostiisa ku xidhanyihiin

Kooxda difaaca rayidka ah ee Suuriya ee loo yaqaan Koofiya Cad ayaa sheegay in ay baarayaan warar laga helay dadkii laga badbaadiyay xabsiga caanka ah ee Saydnaya oo ah in dadka lagu hayo qolal qarsoon oo dhulka hoostiisa ah.

Qoraal ay kooxdu ku baahisay barta X, ayaa lagu sheegay in ay xabsiga u direen shan xubnood oo ka mid ah “kooxaha gargaarka degdega ah” kuwaas oo uu caawinayo hage aqoon u leh xabsiga iyo sida dadka loogu xiro.

Saydnaya ayaa ka mid ah xabsiyadii dadka laga sii daayay markii ay jabhaduhu la wareegeen talada dalka maalintii shalay.

Maamulka gobolka Dimishiq ayaa sheegay in ay sii socdaan dadaallada lagu soo deynayo maxaabiista, kuwaas oo qaarkood “ku dhawaaday in ay u dhintaan” hawo la’aan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker