Tebin toos ah 44 Daqiiqadood ka horCiidamada dowladda Suuriya oo ka hadlay ‘luminta’ gobolkii uu ka bilowday kacdoonkii ka dhanka ah Madaxweyne Asad. Mucaaradka hubaysan ee Suuriya ayaa ku dhawaaqay inay gacanta ku hayaan magaalada Darca una sii gudbeen dhanka XumusXigashada Sawirka,EPA Ciidamada Suuriya ayaa sheegay in ay dib ugu noqonayaan koonfurta si ay u sameeyaan xayndaab ammaan ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in ay lumiyeen gacan ku haynta inta badan gobolka Darca – oo ah halkii ay ka bilowday kacdoonkii ka dhanka ah Madaxweyne Asad. Mucaaradka hubaysan ee Suuriya ayaa ku dhawaaqay inay gacanta ku hayaan magaalada Darca una sii gudbeen dhanka Xumus Gobolka deriska la ah ee Sweida, ayaa wararku sheegayaan in guddoomiyaha iyo taliyaha booliiska iyo taliyaha asluubta ay ka baxeen xafiisyadooda iyadoo dagaalyahannada jabhadda ay la wareegeen dhowr baro koontorool. Hadalka ciidamada dowladda ayaa ku soo beegmay saacado uun ka dib markii jabhadda ku sugan bartamaha Suuriya ay sheegeen inay ku sugan yihiin duleedka Xumus, isla markaana ay ciidammada Madaxweyne Bashaar Al-Asad u qabteen amarkii ugu dambeeyay ee ay ku goosan lahaayeen. (Falaagada islaamiga ahi waxay qabsadeen Xalab iyo Xama tan iyo markii ay bilaabeen duullaankooda xooggan wax ka yar laba toddobaad ka hor.) La wadaag, Ciidamada dowladda Suuriya oo ka hadlay ‘luminta’ gobolkii uu ka bilowday kacdoonkii ka dhanka ah Madaxweyne Asad. Saacad ka horKhasaare ka dhashay dagaal beeleed ka dhacay deegaanno hoos yimaada magaallo xeebeedka Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal beeleed lagu hoobtay oo Jimcihii ka dhacay deegaanno hoos yimaada magaallo xeebeedka Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed, wuxuuna si gaar ah uga dhacay tuulooyin hoostaga deegaanka Laba Garas ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu qaatay saacado badan oo xiriir ah, waxaana ka dhashay khasaare badan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. In ka badan 30 qof ayaa ku dhintay dagaalkan, kuwaas oo isugu jiro dhinacyadii dagaalamay iyo dad kale oo shacab ah, sida ay innoo shegeen ilo wareedyo xilkas ah. Sidoo kale waxaa jiro dhaawacyo kale oo intaas ka badan oo waxyeelo ku noqday dagaalka oo ahaa mid xooggan oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana aagga deegaanka Laba Garas isku horfadhiyo maleeshiyaadka labada dhinac oo helayo gurmadyo dheeraad ah. La wadaag, Khasaare ka dhashay dagaal beeleed ka dhacay deegaanno hoos yimaada magaallo xeebeedka Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe. 2 Saacadood ka horBeesha Calawiyiinta ee madaxweyne Bashar Al-Asad oo ka qaxaya magaalada Xoms Calawiyiintu waa koox laga tiro badan yahay oo Shiicada Muslimiinta ah oo ay ka soo jeedaan qoyska Asad.Xigashada Sawirka,AFP Qoraalka sawirka,Calawiyiintu waa koox laga tiro badan yahay oo Shiicada Muslimiinta ah oo ay ka soo jeedaan qoyska Asad. Xubnaha ka soo jeeda beesha Calawiyiinta ee laga tirada badan yahay ee madaxweyne Asad ayaa u ordaya inay isaga baxaan magaalada Xoms, iyadoo muuqaallo laga duubay ay muujinayaan waddooyinka oo baabuurta ay buux dhaafiyeen. “Ciidamadeennu waxay xoreeyeen tuuladii ugu dambeysay ee duleedka magaalada Homs, waxayna hadda ku sugan yihiin darbiyadeeda,” ayay kooxda Suuriya ee hoggaaminaysa weerarka ku sheegtay Kooxda SOHR ayaa mar sii horreysay sheegtay in fallaagada ay dhowr kiilo mitir u jiraan magaalada. SOHR waxay sheegtay in diyaaradaha Ruushka ay duqeeyeen buundada ku dhow Rastan si ay iskugu dayaan oo ay u hakiyaan horusocodka Jabhadda. Kadib markii militariga Suuriya ay lumiyeen gacan ku haynta magaalada Xama kadib dagaallo maalmo socday, ma cadda in ay awood u yeelan doonaan in ay difaacdaan Xumus. Wasaaradda gaashaandhigga ayaa beenisay sheegashada ah inay ciidamadeeda kala baxday magaalada istiraatiijiga ah, taasoo xiriirisa caasimadda Dimishiq iyo xudunta beesha Calawiyiinta ee xeebta Mediterranean-ka. Calawiyiintu waa koox laga tiro badan yahay oo Shiicada Muslimiinta ah oo ay ka soo jeedaan qoyska Asad. La wadaag, Beesha Calawiyiinta ee madaxweyne Bashar Al-Asad oo ka qaxaya magaalada Xoms 3 Saacadood ka horMucaaradka oo qabsaday inta badan gobolka koonfurta Suuriya ee muhiimka ah
Xoogaga jabhadda ee koonfurta Suuriya ayaa lagu soo waramayaa in ay qabsadeen inta badan gobolka Deraa – oo ah halkii uu ka dhashay kacdoonkii looga soo horjeeday madaxweyne Bashaar Al-asad 2011-kii.
Falanqeeye dhanka dagaalka oo fadhigiisu yahay UK ayaa ku waramaya in “kooxaha maxalliga ah” ay u suurtagashay in ay la wareegaan goobo badan oo millatari ka dib “dagaalo rabshado wata” oo ay la galeen ciidamada dowladda.
Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Reuters, ilo-wareedyo dhanka jabhadda ah ayaa sheegay in ay gaareen heshiis ah in ciidamadu ay ka baxaan iyo in saraakiisha millatariga la siiyo marin ammaan ah caasimadda Dimishiq – oo qiyaastii 100 kiilo mitir u jirta.
BBC-da ayaanan si madax banaan u awoodin in ay xaqiijiso wararkan, iyadoo jabhadda ay horkacayaan Islaamiyiinta ee waqooyiga Suuriya ay sheegeen in ay gaareen duleedka magaalada Xumus.