Xisbiga talada haya ee Kuuriyada Koonfureed oo ku baaqay in si degdeg ah xilka looga qaado madaxweynaha

Madaxa xisbiga haya talada waddanka Kuuriyada Koonfureed ayaa ku baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan xilka looga qaado madaxweynaha dalkaas, Yoon Suk-yeol, kaas oo todobaadkan qalalaase ka dhaliyay dalkaas kadib markii uu ku dhawaaqay xukun milateri.

Han Dong-hoon, ayaa u muuqda inuu badelay fekerkiisa, kadib markii uu ogaaday in magaciisa uu ku jiro liiska xubno lagu waday in la xiro, kadib ku dhawaaqistii madaxweynaha ee xukunka milateri, isniintii la oo dhaafay.

Waxaa uu haatan ka digay inuu jiro walaac ah inuu madaxweynaha mar kale isku deyi karo inuu qaado tallaabo kale.

Wasiirka cusub ee gaashaandhigga iyo madaxa ciidamada sida gaarka u tababaran, ayaa labaduba sheegay inaysan ogolaan doonin amar dambe oo lagu soo rogayo xukun milateri.

Waxaa hore baarlamaanka loo geeyay, mooshin xilka looga qaadayo madaxweynaha Sabtida soo socota, taas oo u baahan saddex meelood meel codka xubnaha baarlamaanka, si loo meel mariyo.

Khudbad uu jeediyay habeenimadii Talaadada, ayuu kaga hadlay isku dayga mucaaradka siyaasadeed ee ay ku doonayaan in ay ku wiiqaan dowladdiisa ka hor inta uusan sheegin in uu ku dhawaaqayo xukunka milateri si loo “burburiyo xoogagga ka soo horjeeda dawladda ee dhibaatada wada”.

Wareegtadiisa ayaa si ku meel gaar ah amar u siisay militariga, sidoo kale ciidamada ilaalada madaxtooyada iyo booliiska ayaa la geeyay xarunta baarlamaanka sidoo kale waxaa la arkayay diyaaradaha helikobter-ka ah oo dul heehaabaya xarunta.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa sidoo kale soo bandhigtay muuqaalo ay ka muuqdaan ciidamo wajiyada soo duubtay oo qoryo wata oo gudaha u galaya dhismaha.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker