Tobanaan kun oo qof oo ka barakacaya magaalada saddexaad ee ugu weyn Suuriya

Tobanaan kun oo qof ayaa ka barakacaya guryahooda oo ku yaala magaalada saddexaad ee ugu weyn dalka Suuriya, Xamaa, iyadoo xoogagga mucaaradka Suuriya ay ku sii durkayaan koonfurta magaalada caasimadda ah ee Damascus.

Xogagga mucaaradka ayaa la wareegay gacan ku heynta magaalada Xamaa Khamistii, taas oo dhabar jab weyn ku ah madaxweyne Bashar al Assad, kaas oo lumiyay gacan ku heynto magaalada Xalab, todobaadkii la soo dhaafay.

Hogaamiyaha kooxda Islaamiga ah ee Hayat Tahrir al-Sham (HTS), Abu Mohammed al-Jawlaani, ayaa ku dhawaaqay “guul Xama”, wuxuuna wacad ku maray inaysan jiri doonin “wax aargoosi ah”.

Horay dagaalyahanada HTS iyo xulafadooda ayaa la wareegay xabsiga dhexe ee Xama, waxayna sii daayeen maxaabiis badan, halka militariga ay sheegeen in ay ciidamo ku daabuleen meel ka baxsan magaalada.

Xamaa ayaa hoy u ah hal milyan oo qof, waxayna 110-km dhanka koonfureed kaga beegan tahay Xalab, oo ay fallaagada qabsatay todobaadkii hore, ka dib markii ay weerar lama filaan ah ka soo qaadeen fariisinkooda oo ku yaalla waqooyi-galbeed.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker