Gobol ka mid ah Hindiya oo mamnuucay in maqaayadaha lagu cuno hilibka lo’da
Gobolka waqooyi-bari Hindiya ku yaalla ee Assam ayaa mamnuucay in meelaha bulshada dhexdeeda lagu cuno hilibka lo’da, sida maqaayadaha iyo goobaha xafladaha lagu dhigo.
Kani waa ballaarinta amar hore u xaddiday in hilibka lo’da lagu iibiyo meelaha u dhow goobaha diimaha sida macbadyada, sida uu Arbacadii sheegay madaxa gobolka Himanta Biswa Sarma.
Si kastaba, hilibka ayaa weli laga iibsan karaa dukaamada isla markaana lagu cuno guryaha.
Cunidda hilibka ayaa arrin xasaasi ka ah Hindiya, iyadoo lo’da ay barakeystaan qowmiyadda Hinduuda, oo 80% ka ah bulshada dalkaas.