Burcad-badeed Soomaali ah oo gacanta ku dhigay markab kallumeysi

Kooxo la sheegay inay yihiin burcad badeed kuna sugan eebaha Puntalnd, ayaa gacanta ku dhigay markab kaluumaysi oo laga leeyahay dalka Shiinaha, sida ay Khamiisti sheegeen ciidamada Midowga Yurub qaybta la dagaalanka burcad badeedda.

Ciidamadan ka hortagga burcad badeedda, ayaa sheegay, in markabka oo ay saarnaayeen shaqaale gaaraya ilaa 18, ay la wareegeen burcadda, kuwaas oo qaarkood ku hubeysanaa qoriga AK-47 iyo qoryo kale.

Waxay dhacdadaas ku tilmaameen dhac ka dhacay badda.Waxay intaas ku dareen, inuusan jirin mid kamid ah shaqaalihii markabka oo uu dhaawac soo gaaray.

Weerari ay gaysteen koox burcad baddeed ah ayaa ka dhacay xeebaha Soomaaliya meel qiyaastii 380 nuatical mayl bari kaga beegan magaalada Muqdisho dhammaadka bishii may ee sanadkan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker