Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed oo loogu baaqay inuu isaga baxo xisbigiisa
Saraakiisha milateriga waddanka Kuuriyada Konfureed ayaa su’aalo laga weydiiyay ku dhawaaqistii madaxweynaha ee xukunka milateri, iyadoo ay soo baxayaan warar ah in tiro yar oo ka tirsan milateriga waddanka ay wax ka ogaayeen qorshaha madaxweynaha ee xukunkan.
Wasiir ku xiigeenka wasaaradda gaashaandhigga dalka, ayaa sheegay inuu arrintan ku maqlay wararka un.
Madaxweynaha dalkaas, Yoon Suk Yeol, ayaa aqbalay is casilaadda wasiirkiisa gaashaandhigga, Kim Yong-hyun, kaas oo raali gelin ka bixiyay doorkii uu ku lahaa arrintan go’aanan muranka badan dhaliyay.
Hogaamiyaha xisbiga talada waddanka haya, ayaa hore madaxweyne Yoon ugu baaqay inuu isaga baxo xisbigaas.
Yoon weli meel fagaare ah hadal kama jeedin tan iyo markii baarlamaanka ay qaadeen cod degdeg ah, taas oo ku qasabtay inuu ka laabto xukunka u uku dhawaaqay, wuxuuna haatan wajahayaa cadaadis ah inuu xilka iska casilo.
Xisbiyada mucaaradka ayaa baarlamaanka geeyay mooshin xilka looga qaadayo madaxaweynaha, kaas oo la filayo in loo codeeyo Sabtida soo socota.
Moshinka mucaaradka ayaa u baahnaan doona keliya taageerada sideed xildhibaan oo ka tirsan xisbiga talada haya, balse xisbiga madaxweyne Yoon ayaa sheegay inay ka hor istaagi doonaan iskuday kasta oo la doonayo in xilka looga qaado madaxweynaha.