Milateriga Suuriya oo la wareegay maamulka qeybo kamid magalada Xamaa
Milateriga Suuriya ayaa waxaa u suurtagashay inay xoogagga mucaaradka Suuriya ay kala wareegan gacan ku heynta aagag kamid ah magaalada Xamaa, kadib markii ay labada dhinac is weeydaarsadeen weerar iyo weerar celis.
Wakaaladda rasmiga ah ee Suuriya (SANA) ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay u suurtagashay inay la wareegaan amniga magaalada Xamaa, kadib markii ay goobta ka saareen xoogagga mucaaradka isla markaana ay ka burburiyeen gawaaridooda.
SNA waxay baahisay in milateriga ay sii wadaan howlgallada ka dhanka ah xoogaggaas ee waqooyiga dalka.
Kooxda la socota xuquuqda aadanaha Suuriya, oo fadhigeedu yahay UK, ayaa sheegtay in kooxd Hayat Tahrir al-sham iyo kooxo kale ay ku guul dareysteen inay la wareegaan Jabal Zain al-Abidin oo u dhow magaalada Xamaa.