Dhakhaatiirta Kenya ayaa ku hanjabay shaqo joojin

Ururka dhakhaatiirta Kenya ayaa soo saaray ogeysiis ay ku sheegayaan in ay 21 maalmood shaqada joojinayaan taas oo si rasmi ah u bilaabaneysa 22-ka desember hadii aysan dowladda hirgelin heshiiskii shaqaalaha ee 2017-kii.

Ku dhawaad 4,000 oo dhakhaatiir ah oo ka shaqeeya isbitaalada dowladda Kenya ayaa shaqada joojiyay 14-kii Maarso ee sanadkan kuwaas oo ka cabanayay in dowladda ka caga-jiideyso in ay siiso dhakhaatiirta xaalad shaqo oo fiican iyo tababaro. Shaqo joojinta ayaa laga noqoday 56 maalmood kaddib markii la ogolaaday dalabkooda 8-da May.

Ilaa iyo hadda dowladda ma hirgelin heshiiskii la gaaray ee keenay in shaqadooda ay ku soo laabtaan dhaqaatiirta.

Shaqaalaha caafimaad ee laga doonayo in ay hal sano shaqeeyaan ka hor inta aan sharciga ay ku shaqeynayaan la siin ayaa ka cawday cadaadiska ay shaqada leedahay iyo saacadaha badan ay shaqeynayaan iyagoon mushaar qaadaneyn.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker