Madaxweynaha la doortay oo kulan la qaatay Wafti Ka Socda dalka Maraykanka
Madaxweynaha la doortay oo kulan la qaatay Wafti Ka Socda dalka Maraykanka, kulankan ayaa ahaa mid albaabdu u xidhanyihiin Qoraal uu Bartiisa Facebook Ku qaray Cabdiraxmaan Cirro ayaa u dhignaa Sidan.
“Waxa aan maanta qaabilay wafti balaadhan oo uu hoggaaminayo Danjiraha dalka Mareykanka Danjire Richard H. Riley oo ay wehelinayaan taliyayaasha ciidamada AFRICOM. Wefdiga waxa aannu si qoto dheer uga wada hadalnay sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalweynaha Mareykan.
Sida oo kale, Danjiraha Mareykanku waxa uu na soo gaadhsiiyey dhambaal hambalyo ah oo uu ka siday dawladdiisa Maraykan. Doorashooyinkii Jamhuuriyadda Somaliland ka dhacay 13kii Nov, waxa ay noqdeen doorashooyin indhaha caalamka si weyn ugu soo jeedisay dalkeenna, inoona soo jiidi doona fursado maalgashi oo caalami ah.”
Madaxweynaha cusub ee Somaliland Dr. Cabdiraxmaan Cirro.