Kulan dhex maray Duqa Caasimadda Hargaysa iyo Gudida ilaalinta iyo dabagaka hantida qaranka Somaliland ee golaha wakiilada.
Kulan Muhiim ah oo saaka dhex maray Duqa Caasimadda Hargaysa iyo Gudida ilaalinta iyo dabagaka hantida qaranka Somaliland ee golaha wakiilada.
Duqa Caasimadda Hargaysa Cabdikariin Axmed Mooge oo ay weheliyaan qaar ka mid ah mudanayaasha Golaha Deegaanka Hargaysa iyo Agaasimayaasha waaxaha Maamulka iyo Maaliyadda, Hwlaha Guud, hantida ma guurtada ah iyo Madaxa Xafiiska warshadaha ayaa saaka Dawladda Hoose ku soo dhaweeyey isla markaana kulan la qaatay Guddida ilaalinta iyo dabagalka hantida qaranka Somaliland oo bishii la soo dhaafay hawlo shaqo ka waday gudaha Dawladda Hoose ee Hargaysa.
Gudidan ayaa kulan saacado badan qaatay kadib, waxa looga jawaabay dhammaan su,aalo muhiim ah oo khuseeya shaqada kala duwan ee ka socotay Caasimadda Hargaysa gaar ahaan shaqooyinka kor u qaadista kaabayaasha nololeed ee dadka sida Waddooyinka, Caafimaadka iyo waxbarashada waxaana guddida la siiyay jawaabo waafiya oo ay ku qancaan. Ugu dambayn waxa ay kormeer ku mareen qaabka ay u shaqayso gudaha xarunta dhexe ee Dawladda Hoose ee Hargaysa oo dhawaan laga hirgaliyay dhisme dabaq ah oo casri ah.