Quwadaha reer galbeedka oo ka hadlay dagaalka Suuriya

Faransiiska, Ingiriiska, Jarmalka iyo Mareykanka ayaa bayaan wadajir ah ka soo saaray dagaalka dib uga soo cusboonaaday dalka Suuriya ee u dhaxeeya Ciidamada Dowladda iyo kooxaha fallaagada.

Afarta dowladood ayaa ku baaqay in la qaboojiyo xiisadda Suuriya, lana ilaaliyo nolosha dadka raidka ah iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ee dalkaasi.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay in xal siyaasadeed lagu dhameeyo colaadda Suuriya, kaas oo ay hormuud ka tahay Xukuumadda Dimishiq, lana waafajiyo qaraarka tirsigiisu yahay 2254 ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Dowladahan oo sheegay inay si dhow ula socdaan is bedelada ka socda dalkaasi ayaa soo jeediyay in la bilaabo hannaan siyaasadeed oo lagu kalsoonaan karo, si loo soo afjaro dagaalka sokeeye ee Suuriya.

Iskuduwaha Gargaarka Qaramada Midoobey ee Suuriya, Adam Abdelmoula ayaa ka digay in xaaladda oo ka darto ay keeni karto khatar weyn oo soo food saarta dadka shacabka ah.

Adam Abdelmoula ayaa sheegay in rabshadaha sii kordhaya ee ka socda dalkaasi ay saamayn ku yeelan karto nabadda iyo ammaanka caalamka, sida uu yiri.

Dagaalkan oo Arbacadii si lama filaan ah uga bilowday waqooyiga dalkaasi ayaa qoysas fara-badan ku khasbay in ay ka cararaan guryahooda.

Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Madaxweyne Bashar Al Assad ayaa dagaalka ku qabsaday dhul ballaaran, oo ay ku jirto magaalada labaad ee dalkaasi ugu weyn ee Aleppo ama Xalab.

Warbaahinta caalamiga ah ayaa sheegeysa in dagaalka ay ku dhinteen boqolaal qof oo u badan dhinacyada dagaalamaya.

Dagaalka ayaa si qoto dheer ugu sii fidaya dalkan, oo saddex iyo tobankii sano ee ugu dambeysay ku jiray dagaal sokeeye.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker