Dowladda Faransiiska oo digniin u jeedisay Israel
Dowladda Faransiiska ayaa Israel uga digtay ficiladeeda khatarta gelin kara heshiiska xabad joojinta ee ay toddobaadkii hore la gaartay Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan.
Tan iyo markii Arbacadii la dhaqangeliyay heshiiska xabad joojinta ee labada dal, Israel ayaa qaadeysay weeraro ay ku carqaladeynayso xabad joojinta, iyadoo markaasi ku marmarsiyooneysa in ay ka hortageyso dhaqdhaqaaqyada Xisbullah ee koonfurta Lubnaan.
Warbaahinta afka Maamulka Israel ku hadasha ee KAN ayaa sheegtay in Maamulka Tel Aviv uu Paris ka helay digniin loogu sheegayo in ay ka fogaadaan tallaabooyinka halista gelinayo hirgelinta heshiiska xabad joojinta.
KAN ayaa ku warantay in Faransiisku uu Israel ku eedeeyay in ay ku guuldareysatay inay raacdo habraacii saxda ahaa ee heshiiska.
Inkastoo Israel ay xaq u leedahay inay iska difaacdo, haddii ay weerar kala kulanto Xisbullah, haddana qodobada heshiiska ayaa waxaa ku cad inaanay Israel qaadi karin wax tallaabo ah, iyadoo aan Mareykanka la wadaagin inay khatar jirto.
Wargeyska Yedioth Ahronoth ee ka soo baxa Israel ayaa qoray in Dowladda Madaxweyne Emmanuel Macron ay Tel Aviv ugu yeertay inay joojiso xadgudubyadeeda dhaawici kara heshiiska, haddii kalena ay dusha u ridan doonto masuuliyadda wixii cawaaqib ah ee ka dhasha ficiladeeda sii kordhaya.
Wargeyska ayaa sheegaya in eedeymaha loo jeedinayo Israel ay xoojinayaan cabsida laga qabo in heshiisku uu burburo.
Faransiiska ayaa Mareykanka kala shaqeynaya xaqiijinta iyo hirgelinta ee heshiiska xabad joojinta labada dal oo soconaya lixdan maalmood.
Haddii xabad joojinta ku-meel-gaarka ah ay si sax ah u shaqeyso, waxaa uu qorshuhu yahay in mustaqbalkana ay sidaasi ku sii shaqeyso.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa dhinacyada ku adkeeyay inay ixtiraamaan xabad joojintan, oo uu ku sheegay mid abuureysa rajada ah in la soo afjaro dagaalka Bariga Dhexe.