Tirada Laga Helay Xanuunka HIV ee Somaliland oo la shaaciyaay
Hargeisa Group Hospital Waaxdeeda Daawaynta, Daryeelka iyo la socodka Xanuunka HIV-AIDSka oo la daahfuray 2004 mudo haatan laga joogo 20 sano.
Xarunta ayaa laga soo bilaabo 2004 ilaa 2024 waxay ka heshay xanuunka HIV-AIDSKA 3206 bukaan, 2481 kamid ah waxaa loo bilaabay daawada, halka 725 kamid ahi aanay dawo qaadan sababo iyaga u gaar ah awgeed.
Tirada guud ee wakhti xaadirkan dawada qaadataa waa 1329 qof, 802 kamid ahi waa Dumar, Halka 527 kamid ahani ay yihiin Rag.
Sanadkan 2024 ee sii dhamaanay tirada Dadka laga baadhay xanuunka HIV-AIDSKU waa 714, waxaa laga helay xanuunka 103 kamid ah oo 64 kamid ahi Dumar yihiin, Halka 39 kamid ahani Rag yihiin.