Ruushka oo amaanay xiriirka kala dhaxeeya dalka Kuuriyada Waqooyi Ruushka

Wasiirka Difaaca ee Ruushka Andrei Belousov, ayaa amaanay xiriirka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi intii uu booqdanayey Pyongyang.

Isagoo hadlayey kadib markii uu gaaray dalkaas si uu uga qeyb galo wadahadallo ku saabsan xoojinta iskaashiga militariga, Mr. Belousov ayaa sheegay in xiriirka u dhexeeya labada dal uu “si weyn u ballaaran yahay dhammaan dhinacyada.”

Tani waxay imaanaysaa warbixino ka yimid hay’adaha sirdoonka Koonfurta Kuuriya iyo kuwa Galbeedka oo sheegay in Pyongyang ay soo dirtey kumannaan askari si ay u caawiyaan Ruushka dagaalkiisa ka dhanka ah Ukraine

Bishii Juun, Madaxweyne Putin iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa kala saxiixayday heshiis ballanqaaday inay is caawiyaan haddii ay ku dhacdo “weerar” midkoodna ka dhana.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker