War saxaafadeed ka soo baxay Ururka ONLF maanta oo Khamiis ah ayaa lagaga hadlay xaaladda cakiran ee ka dhex taagan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul goboleedka Jubbaland, gaar ahaan xaaladda ka taagan degaanka Raaskambooni. ONLF waxay sheegtay inay aad uga walaacsan tahay xiisadda ka taagan degaanka Raaskambooni oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya geysay ciidamo, halka Maamul goboleedka Jubbaland uu heegan galiyay ciidamadiisa, taas oo muujinaysa saansaan colaadeed oo ka dhex imaan karta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul goboleedka Jubbaland. Ururka ONLF waxa kale oo War saxaafadeedkiisa uu ku sheegay in colaad ka dhex abuuranta Dowladda Federaalka iyo Jubbaland ay ku fidi karto Soomaaliya oo dhan, isla markaana ay taasi keeni karto xaaladda amni ee gobolka oo sii xumaata. ONLF waxay War saxaafadeedkeeda ku sheegtay in Dowladda Federaalka iyo Jubbaland looga baahan yahay inay isugu yimaaddaan miiska wada hadalka, isla markaana ay gaaraan xal nabadeed oo lagu joojinayo colaaddan wax walbana lagu dhameeyo wada hadal, iyagoo hoosta ka xariiqay in Nabaddu ay tahay wadada kaliya ee lagu xalin karo dhibaatada maanta ka dhex taagan Dowlaadda Federaalka iyo Jubbaland. War saxaafadeedka ka soo baxay Ururka ONLF ayaa sidoo kale lagu sheegay in ONLF ay baaq u dirayso beesha caalamka in si degdeg ah usoo faragaliyaan xaaladdan, si loo xoojiyo dadaallada nabadeed ee xal waara loogu heli karo xaaladdan ka dhex taagan Raaskambooni ee u dhaxaysa Dowladda Federaalka iyo Jubbaland. Gabagabadii, Ururka ONLF waxa uu sheegay inuusan shaqo kulahayn khilaafka ka dhex taagan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka goboleedka Jubbalanad, isagoo xubnaha iyo taageerayaasha Ururka faray inay ka fogaadaan ficil kasta oo sii hurin kara colaaddan, taas beddelkeedana ay taageeraan dadaallada nabadda iyo xasilloonida gobolka, taas oo muhiim u ah nabadda guud ee Geeska Afrika. War saxaafadeedkan ka soo baxay Ururka ONLF ayaa ku soo hagaagaya xilli maalmihii u dambeeyay uu sii xumaanayo khilaafka u dhaxeeya Dowladda Fadaraalka Soomaaliya Maamul goboleedka Jubbaland, gaar ahaan saansaanta colaadeed ee ka jirta degaanka Raaskambooni oo la keenay Ciidamada Dowladda Fadaraalka Soomaaliya, halka kuwa Maamul goboleedka Jubbaland heegan lagaliyay.

Kumanaan Lubnaaniyiin ah oo ay barakiciyeen dagaalladi iyo duqeymihi ay ciidamada Isra’il ka wadeen Koofurta Lubnan, ayaa Arbacadi shalay dib ugu laabtay guryahooda, kaddib marki ay dhaqan gashay xabbad-joojinti la kala dhax dhigay Isra’il iyo Xisbullah.

Iyagoo wata baabuur ay ku raran yihiin alaabahooda gaarka ah, isla markaana ka dhego adaygay digniino uga yimid ciidammada Lubnaan iyo Israa’iil oo ku baaqayay inay ka fogaadaan meelaha qaar, ayay dadkaan xalay ku hoydeen guryahooda oo ay intooda badani ay burburiyeen madaafiicda culus ee ay isu adeegsadeen dhinacyada dagaallamay.

Xabbad joojinta ayaa haddii ay sii waarto soo afjari doonta, ku dhawaad 14 bilood oo dagaal lagu hoobtay oo u dhaxeeyay Israa’iil iyo Xisbullah.

Dagaalka ayaa billowday wixi ka danbeeyay 7-badi October ee sannadki 2023-ki, markaas oo ay Xamaas weerartay Koofurta Isra’il. Xamaas ayaa maalinti ku xigtayba duqeymo ku billowday Waqooyiga Isra’il, halka Isra’il ay duqeymo iyo dagaal arrintaasi uga jawaabtay.

Hase yeeshee bartamihii bishii Sebtembar ayuu isu beddelay dagaal dhan walba ah, kaddib marki ay Isra’il weerar toos ah ku qaadday Lubnan, iyo duqeymo ay ku dishay qaar ka mid ah madaxdi sare ee Xisbullah oo uu ku jiray Xasan Nasrallah.

Inkasta oo uu heshiis xabad-joojin ah ka hirgalay Lubnan iyo Waqooyiga Isra’il, haddana waxaa wali socda dagaalka Gaza, halkaas oo ay Isra’il wali sii waddo madaafiicda ay ku garaaceyso Marinka Gaza.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker