Iiraan oo soo dhoweysay dhammaadka gardarrada Israa’iil ee Lubnaan
Wasaaradda arrimaha dibadda Iiraan ayaa soo dhoweysay waxa ay ugu yeertay dhammaadka “gardarrada” Israa’iil ee Lubnaan, sida ay baahisay warbaahinta dowladda Iiraan.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Iiraan Esmaeil Baghaei ayaa carrabka ku adkeeyay “taageerada adag ee Iiraan u heyso dowladda Lubnaan, qaranka iyo iska caabbinta”, isagoo sidaa ku sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray kadib xabbad-joojinta Israa’iil iyo maleeshiyada Lubnaan ee Iiraan taageerto ee Xisbullah.
Goor sii horreysay, raysal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in “khatarta Iiraan” ay tahay mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee loo hirgelinayo heshiiska xabbad joojinta, inkastoo uusan faahfaahin badan ka bixin.