Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland oo Bandoo Ku Soo Rogay Ceerigaabo
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed, ayaa nasiib-darro ku tilmaamay shaqaaqo maanta ka dhacday Magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.
Shaqaaqadan maanta ka dhacday Ceerigaabo oo salka ku haysa aano u dhaxaysa Beelaha degmada Ceerigaabo, ayaa sababtay dhimashada Afar Qof iyo Dhaawaca Lix Kale.
Ciidamada Ammaanka Degmada Ceerigaabo oo taageero ka helay Ciidanka Qaranka, ayaa hawl-gal ay magaalada ku sameeyeen ku xakameeyey xaaladda.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland waxa uu dhinacyo shaqaaqadani dhexmartay ugu baaqay inay xaaladda dejiyaan isla markaana meel looga soo wada-jeesto cid kasta oo waxyeelo ku ah ammaanka degmada Ceerigaabo iyo guud ahaan gobolka Sanaag.
Wasiirku wuxuu sheegay inay xaalad deg-deg ah lagu soo rogay magaalada si loo xakameeyey isu-socodka magaalada xilliyada habeenkii iyadoo laga hortago fal-dembiyeedyo dheeraad ah oo ka dhaca magaalada.