Maxay tahay sababta Donald Trump uu canshuurta ugu soo rogayo dalal ay ka mid yihiin Canada iyo Shiinaha

Donald Trump ayaa sheegay in uu canshuuro cusub ku soo rogi doono Shiinaha, Mexico iyo Canada maalinta ugu horreysa ee uu xilka la wareego, si uu ugu qasbo in ay ka hortagaan soogalootiga sharci darrada ah iyo tahriibinta daroogada ee Mareykanka.

Madaxweynaha la doortay ayaa sheegay in isla marka uu xilka la wareego 20-ka Janaayo uu saxiixi doono amar fulineed oo ah canshuur dhan 25% taasoo lagu soo rogayo dhammaan badeecadaha ka yimaada Mexico iyo Canada.

Waxa kale oo uu sheegay in 10% dheeraad ah oo tacriif ah lagu soo rogi doono Shiinaha ilaa ay dawladda dalkaas ka joojinayso tahriibinta daroogada la yiraahdo opioid synthetic.

Haddii Trump uu u ka dhabeeyo hanjabaadahan waxay tallaabadaasi calaamad u noqon doontaa xiisadd weyn oo ka dhex qaraxda dallakaan Mareykanka, Canada iyo Shiinaha.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker