Golaha wasiirrada Israa’iil oo ka shiraya arrin lagu soo afjaro colaadda kala dhaxaysa Xisbullah

Golaha wasiirrada xukuumadda Israa’iil ayaa yeelanaya kulan looga hadlayo sidii loo gaari lahaa heshiis xabad joojin ah oo ay la galaan Xisbullah oo dagaal ba’ni kala dhaxeeyo.

Heshiiska xabd-joojinta ah ee la qorshaynayo ayaa lagu soo warramayaa inuu noqon doono muddo laba bilood ah, waxaana ka mid ah in ciidamada Israa’iil laga saaro dalka Lubnaan.

Wasiirada ayaa la filayaa inay u codeeyaan heshiiska inta uu socdo kulanka Talaadada maanta. Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa mas’uul sare oo ka tirsan Israa’iil ayaa sheegtay in kulanka uu ahaa mid lagu ansixinayo qoraalka heshiiska.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker