Caasimadda Pakistan oo xiisadi ka taagantahay
Xiisad ayaa ka taagan caasimadda dalka Pakistan ee Islamabad, iyadoo maamulkuna uu ciidamo geeyay magaalada.
Dastuurka Pakistan ayaa qaba in ciidamo la adeegsao markaan oo kale kuwaas oo ka difaaca dalkagardarrada dibadda ka imaanaysa iyo in qalalaasaha gudaha ay xakameeyaan.
Sidoo kale waxaa ciidamadu fasax u haystaan in aaney cidi ka horimaan karin amarrada ka soo baxa dowladda ama maxkamadaha.
Mas’uuliyiinta Pakistan ayaa sheegay in dhowr ka mid ah ciidamada ammaanka lagu dilay in ka badan 100 kalena ay ku dhaawacmeen dibad-baxa ay dhigayana taageerayaasha xisbiga PTI.
Wasiirka arrimaha gudaha Mohsin Naqvi ayaa mar sii horeysay ka digay jawaabta adag ee dowladda, oo ay ku jiraan in bandow la soo rogo, haddii rabshaduhu sii kordhaan. Waxa uu sidoo kale carabka ku adkeeyay in taageerayaasha PTI aan loo ogolaan doonin inay galaan D-Chowk, fagaaraha ku yaala bartamaha Islamabad halkaas oo ay ku wajahan yihiin dibad baxayaashu.