Suudan oo la sheegay in ay halis ugu jirto inay noqoto dal fashilmay

Dalka Suudaan oo ay dagaallo ka socdaan ayaa halis ugu jira inuu noqdo waddan kale oo guuldarraystay, sababta ayaa lagu sheegay bulshada rayidka ah oo sii burburaysa iyadoo ay sii kordhayaan kooxaha hubeysan, sida uu BBC-da u sheegay madaxa hay’ad hormuud ka ah oo gargaarka caalamiga ah.

Sidoo kale labada dhinac ee ugu waaweyn ee ku dagaallamaya Suudaan oo kala ah ciidanka iyo xoogagga taageerada degdega ah -waxaa jira “ciidamo qoomiyad ku saleysan” oo aad u tiro yar oo bililiqeysanaya dadka rayidka ah, sida uu sheegay Jan Egeland, madaxa Hay’adda Norwegian Refugee Council (NRC).

“Axsaabtu guryahoodii bay duminayaan, dadkoodii bay xasuuqayaan,” ayuu yiri.

Muddo sagaal iyo toban bilood ah, waxaa socday loolan xooggan oo dhanka awoodda ah oo u dhexeeya ciidanka iyo RSF, kaas oo ku qasbay in ka badan 10 milyan oo qof in ay ka cararaan guryahoodii, dalkana qarka usaaray macaluul.

“Dhammaan waxa aan arkay waxay xaqiijinayaan in tani ay runtii tahay xaaladda degdegga ah ee bini’aadannimo ee ugu weyn ee soo socota, dhibaata gaaja tii ugu weyneyd, dhibaatada barakac oo weyn,” ayuu yiri Mr Egeland, kadib safar uu ku tagay Suudaan.

Bishii Sebtembar, Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa sheegtay in macluusha Suudaan “ku dhawaad ​​​​meel walba ay ku jirta”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker