Doorashada Kismaayo ka dhacaysa maanta iyo wararkii ugu dambeyay

Magaalada Kismaayo oo xaruun ku meel-gaara u ah mamaulka Jubaland waxaa maanta ka dhacaya doorasho ay xilka madaxweynimo ee mamaulkaas ku tartamayaan ilaa afar murashax oo uu ka mid yahay madaxweynaha hadda xilka haya Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Saddexda murashax ee kale ayaa kala ah Feysal Maxamed Mataan, Dr Cabdi Xassan Xajiin iyo Abubakar Cabdi Xassan.

Sidii horeyba u dhici jirtay xubnaha baarlamaanka maamulkaas oo dhawaan la soo xulay ayaan dooranaya qofka noqonaya madaxweynaha jubaland sanooyinka soo socda.

Doorashada ayaa dhacaysa xilli dowladda federaalka Soomaaliya ay si adag uga hortimida tallaabadaan Jubaland ku qabanayo doorashada, waxaana ay ku tilmaantay mid sharci darro ah oo aaney aqbali doonin.

Hase-yeeshee Jubaland ayaan dhag jalaq u siin warka dowladda federaalka Soomaaliya, iyadoo Axmed Madoobe uu horey uga baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee bishii Oktoobar ka dhacay Muqdisho, kaas oo dib loogu dhigay doorashooyinka maamul gobolleedyada.

Dowladda federaalka ah ayaa ku doodaysa in dalka ay galineyso hannaan doorasho oo qof iyo cod ah qorshahaas oo sidoo kale siyaasiin dalka horey xilal uga soo qabtay ay ka horyimaadeen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker