Turkiga oo Sheegay in Madaxweynaha Cusub ee Somaliland uu Ka Rajaynayo in uu ka Shaqeeyo Midnimada Somaliya

Dowlada Turkiga oo dhambaal hambalyo ah u dirtay madaxweynaha la doortay ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegtay in ay ka rajaynayso in uu soo celiyo wadahadaladii Somaliland iyo Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Safaarada Turkiga ee Soomaaliya, ayaa marka hore lagu hambalyeeyay doorashooyinkii ka dhacay Somaliland, iyada oo lagu sheegay in ay tusinayaan in dadka Soomaaliyeed ay ka go’antahay dhaqangalinta dimuquraadiyada.

“Waxaan hambalyo diirran u diraynaa Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro guushiisa doorashada ee Somaliland. Hab-maamuuska nabdoon ee doorashadu ku qabsoontay wuxuu muujinayaa sida shacabka Soomaaliyeed uga go’an tahay dhaqan-gelinta mabaadi’da dimuqraadiyadda” ayaa lagu yidhi qoraalka.

Turkiga ayaa sheegay in madaxweynaha cusub laga rajaynayo in uu soo celiyo wadahadalada, isla markaana uu ka shaqeeyo midnimada “Waxaan rajeyneynaa in hoggaankiisa uu kor u qaado wada-hadalada, midnimada, iyo barwaaqada guud ee gobolka”.

Wadahadaladii u socday Somaliland iyo Soomaaliya mudada dheer ayaa istaagay horaantii sannadkan kadib markii ay xukuumada xilka kasii dagaysa ee Madaxweyne Biixi ay heshiis dhinaca badda ah la gashay Itoobiya.

Labada dhinac ayaa sii kala fogaaday iyada oo ay Soomaaliya heshiiska ku tilmaantay mid xadgudub ku ah madaxbannaanideeda, sidookale, Somaliland ayaa sheegtay in faa’iido badan aan laga helin wadahadalada, sii wadistooduna ay tahay wakhti lumis.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker