Iska hor imaad khasaare geystay oo goordhaw ka dhacay gudaha magaalada Kismaayo
Warar hordhac ah ayaa kasoo baxaya israsaseyn mudo kooban magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ku dhexmartay ciidamo ka tirsan Booliiska Jubbaland iyo kuwa Ilaalo u ah Senator Ilyaas Gaboose.
Iska hor imaadka ayaa la tilmaamay inuu bilawday, kadib markii Senatar Ilyaas Gaboose laga hor istaagay inuu gudaha u galo hotel AGAN ee ku yaala gudaha magaalada Kismaayo.
Wararka hordhaca ah ayaa sidoo kale sheegaya in Israsaseynta ka dhacday afaafka hore ee Hotel AGAN iney sababtay dhimashada hal qof oo ka mid ah dhinacyada uu iska hor imaadku dhexmaray.
Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhinacyada uu goordhaw iska hor imaadka ku dhexmaray Kismaayo oo ku aadan khasaaraha ka dhashay weerarka iyo sababta rasmiga ah ee keentay.
Ugu dambeyntii Senator Ilyaas Gaboose oo ah Senatar ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhawaan sheegay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxtinimada Jubbaland oo sida qorshuhu yahay lagu wado in doorashada madaxweynaha Jubbaland Kismaayo ka qabsoonto 25-ka bishaan oo ay inaga xigto maalinta berito oo qura.