Madaxweynaha Puntland Oo Ka Hadlay Qaraxii Lagula Eegtay Boosaaso

Madaxweynaha Puntland ayaa markii ugu horreysay ka hadlay qarax maanta lagu la eegtay magaalada Bosaaso. Qaraxa ayaa haleelay gawaarida galbineysay wafdiga madaxweynaha oo kasoo safray magaalada Qardho. Waxaa la xaqiijiyay geerida labo askari, iyo dhaawaca afar kale oo ka mid ahayd ilaalada madaxweyne Dani.

War qoraal ah oo lagu soo daabacay bogga Facebook ee madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa loogu tacsiyeey askartii ku dhimatay weerarkii lala eegtay kolonyada madaxweynaha.

Quote Message: “ Ciidamada Madaxtooyada…Waxay ahaayeen geesiyaal naftooda u huray dalkooda iyo dadkooda,alle waxaan uga baryayaa inuu janadii geeyo, ehelkoodiina samir iyo iimaan uu kasiiyo” ayaa lagu yidhi qoraalka.

Madaxtooyada Puntland, laamaha amaanka iyo maamulka degmada Boosaaso wali kama aanay  hadlin cida qaraxa geysatay iyo dad loo sooqabtay midna.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker