“Tahniyad laguma bixiyo natiijo ku-meel-gaadh ah… Waxa aan hadlayaa marka ay Maxkamadda Sare ku dhawaaqdo” – Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Horseed

Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Horseed Mujaahid Cabdilaahi Iimaan Darawal, ayaa ka hadlay natiijada Doorashada madaxtooyada iyo Axsaabta Qaranka ee dalka ka qabsoontay 13-kii November 2024.

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa Salaasadii toddobaadkan soo saaray natiijada ku-meel-gaadhka ah ee Doorashada oo lagu shaaciyey in Murashax Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ku guulaystay aqlabiyadda codadka shacabka Somaliland halka Xisbiyada Waddani, Kulmiye iyo Kaah ku guulaystee saddexda Xisbi Qaran ee hoggaamin doona majaraha siyaasadda Somaliland.

Guddoomiye Cabdilaahi Darawal oo ururkiisu kaalinta 4aad ka galay Doorashada, waxa uu sheegay inuu ku qasban yahay aqbalaadda Natiijada Rasmiga ah ee Doorashada marka ay Maxkamadda Sare ku dhawaaqdo.

“Waa in nabedgalyada la ilaaliyo, wali natiijadii sharciga ahayd lama sheegin oo Maxkamadda Sare ayaa sheegaysa, waxani waa ku meel gaadh. Tahniyad laguma bixiyo natiijo ku-meel-gaadh,” sidaas waxa yidhi Mujaahid Cabdilaahi Darawal oo wax laga weydiiyey natiijada Doorashada.

“Natiijada sharciyan Maxkamadda Sare ayaa sheegaysa, marka ay ku dhawaaqdo waa sharci natiijadu. Waxa aan hadlayaa marka ay Maxkamadda Sare ku dhawaaqdo natiijada”, ayuu yidhi Mujaahid Cabdilaahi Darawal.

Urur-siyaasadeedka Horseed oo kaalinta 4aad ka galay tartankii Doorashada, ayaa helay 78,218 Cod oo u dhiganta boqolkiiba 12.40 codadka guud,halka Xisbiga Kulmiye oo kaalinta 3aad galay ka helay codad gaadhaya 108,103 oo u dhiganta boqolkiiba 17.14 codadka ay heleen doorashada axsaabta Qaranka.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker