Ukraine oo Ruushka ku weerartay gantaalladii Mareykanku u fasaxay

Dowladda Ukraine ayaa markii ugu horeysay gantaallada riddada dheer ee Mareykanku u fasaxay ku garaacaday dhulka Ruushka, maalin kadib markii Washington ay siisay ogolaanshaha ay ku adeegsan karto.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sidoo kale xaqiijiyay adeegsiga Nidaamka Gantaallada Taatikada ee Ciidanka.Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in duqaynta lala beegsaday gobolka Bryansk oo xuduud la leh Ukraine subaxnimadii Talaadada.

Wasaaraddu waxay sheegtay in shan gantaal la soo riday oo mid ka mid ah uu gaystay khasaare, iyadoo burburka gantaalka uu dab ka kiciyay xarun ciidan oo ku taalla gobolka.

Laakin laba sarkaal oo Maraykan ah ayaa sheegay in xogaha ugu horreeya ay muujinayaan in Ruushku uu qabtay laba gantaal oo ka mid ah gantaallada ay Ukraine ku ridday Ruushka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker