Hargeysa oo aas Qaran loogu sameeynayo maanta madaxweynihii hore ee Somaliland
Waxaa la filayaa in maanta magaalada Hargeysa ee caasimadda Jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland aas qaran loogu sameeyo Allaha u naxariistee madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed Siilaanyo), oo Sabatidii la soo dhaafay geeriyooday.
Guddiga qaban-qaabada aaska ayaa sheegay in madaxweynihii hore ee Somaliland lagu aasi doono xabaalaha Baqiic ee magaalada Hargeysa, waxaana la filayaa in dad badan ay ka qayb galaan duugta.Dadka ka qaybgalaya aaska waxaa ka mid ah mas’uuliyiin ka imaanaysa dalalka Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya.
Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed Siilaanyo), wuxuu ahaa madaxweynihii afaraad ee Somaliland, waxaana uu ku geeriyooday da’da 86.