Zelenskiy oo sheegay in uu rajo wayn ay ka abo in Trump uu dagaalka soo afjaro

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay in dagaalka ay kula jiraan Ruushka uu “dhakhso u dhammaan doono” marka ay howgasho xukuumadda Trump.

Zelenskiy waxa uu sheegay in uu khadka taleefoonka kulan kula yeeshay madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump.

Trump ma uusan sheegin shuruudo gaar ah oo lagu xirayo wadahadal lala galo Ruushka, balse waxa uu sheegay Zelenskiy in mowqifka Trump uu la mid yahay kan Ukraine.

Trump ayaa marar badan sheegay in muhiimadiisa ay tahay joojinta dagaalka.

Ruushka ayaa weeraray Ukraine bishii Febraayo 2022 kii. Madaxweynaha cusub ee Mareykanka ayaa dhaliilay kaalmada uu dalkiisu siiyo Ukraine, isagoo sheegay in dagaalka Ukraine uu wiiqayo awoodaha Mareykanka.

Bilo ka hor, Aqalka Congress-ka Mareykanka ayaa ansixiyay 61 bilyan oo doolar oo gargaar militari ah oo la siinayo Ukraine.

Maraykanka ayaa ah dalka ugu badan ee hubka siiya dalka Ukraine, waxaana tan iyo markii uu dagaalka bilowday uu soo diray hub ku kacaya 55 bilyan oo dollar.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker