WHO oo ku baaqday in la maalgashado barnaamijyada ku saabsan ka hortagidda cudurrada

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa ku baaqday in la maalgashado barnaamijyada ka hortagga jadeecada, kaddib markii uu faafay cudurkii ugu xumaa ee la arkay sannadkii hore.

In ka badan 22 milyan oo carruur ah ayaan la tallaalin ama aan si buuxda loo tallaalin sannadkii hore, halka ay jirto koror boqolkiiba 25 ah kiisaska cusub ee jadeecada.

Dhinaca kale, WHO ayaa sheegtay in cudurkan laga helay in ka badan 50-wadan, uuna dilay in ka badan 100,000 oo qof oo dunida ku nool, kuwaasoo u badan caruur da’doodu ka yar tahay shan sano jir.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker