Kulanka Madaxtooyada: Madaxweyne Biixi iyo Musharax Cirro
Sida ay ilo-wareedyo kala duwani caawa xaqiijiyeen Madaxweynaha Somaliland, ahna musharaxa Madaxweyne ee xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo Musharaxa Madaxweynenimo ee Xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa la filayaa inay caawa kulan ku yeeshaan Hargeysa, iyadoo aan la ogayn ajandaha rasmiga ah ee lagaga hadlayo kulankaasi.
Waxaanu kulankani haddii uu qabsoomo ku soo beegmaya xili ay si xawli ah Gobolada iyo degmooyinka uga socoto tirinta codadka doorashooyinkii Somaliland ka qabsoomay,iyadoo loolanka ugu adagina uu dhexmaray labadan Musharax ee ka kala socda KULMIYE iyo WADDANI.