Human Rights Watch oo ku tilmaantay falalka Israa’iil ka gaysanayso Qasa “dambi dagaal”
Hay’adda xuquuqda aadana ee Human Rights Watch, ayaa warbixin ay soo saartay Khamiista maanta ah ku sheegtay in amarrada daad-gureynta Israa’iil ee Marinka Qasa ay ka dhigan tahay “dambi dagaal” oo ah “barakac xoog ah.
Warbixinta oo ka kooban 154 bog,ayaa lagu yiri “Qof quus ah, gaajoonaya, u xayiran”: Barakacinta xoogga ah ee Israa’iil ee Falastiiniyiinta Qasa,” waxay muujinaysaa hab-dhaqanka maamulka Israel ee barakiciyay in ka badan boqolkiiba 90 dadka Qasa .
1.9 milyan oo Falastiiniyiin ah ayaa wajahaya burbura iyo barakac xooggan oo aan loo meel dayin 13-kii bilood ee la soo dhaafay.
“Human Rights Watch waxa ay ururisay caddaymo muujinaya in saraakiisha Israa’iil ay galayaan dembi dagaal”, ayaa lagu yiri warbixinta.Intaa waxaa lagu daray in ciidamada Israa’iila ys ameynayana isir sifeyn .