Wariye 23 sano ku xiran xabsi ku yaalla Eritrea oo abaalmarin la siiyey

Dawit Isaaq, oo ah wariye muddo saddex iyo labaatan sano ah ku xiran xabsi ku yaalla dalka Eritrea isagoo aan wax maxkamadda la soo taagin ayaa ku guuleystay abaalmarinta xuquuqda aadanaha ee Iswiidhan

 

Isaak, oo leh dhalashooyinta Ereteriya iyo Iswiidhan, ayaa la siiyay Abaalmarinta Edelstam “sababo la xiriira geesinimadiisa cajiibka ah,” sida ay sheegtay hay’adda bixisay abaalmarinta.

 

Saxafigan, wuxuu ka mid ahaa aasaasayaashii Setit, wargeyskii ugu horreeyay ee madaxbannaan ee Ereteriya.

 

Waxaa la xiray sanadkii 2001-dii, markii wargayskiisu daabacay qoraalo codsanaya in la sameeyo isbeddelo dimuqraadi ah.

 

Dawit, waxa uu ka mid ahaa koox ilaa labaatan qof ah, oo ay ku jiraan xubno sarsare oo ka tirsan golaha wasiirada, xubno ka tirsan baarlamaanka iyo saxafiyiin madax-banaan, kuwaas oo lagu xiray dalkaasi.

 

Muddo sanado ah, dowladda Eritrea ma aysan bixin wax war ah oo ku saabsan halka uu ku sugan yahay iyo xaaladdiisa caafimaad, waxaana loo maleynayaa inuu dhintay.

 

Abaalmarinta Edelstam, oo lagu bixiyo geesinimada gaarka ah ee difaaca xuquuqda aadanaha, ayaa lagu bixin doonaa 19ka November magaalada Stockholm.

 

Gabadhadiisha, Beytlaxam Dawit, ayaa abaal-marinta ugu qaadi doonta magaciisa, maadaama uu weli ku xiran yahay Eritrea

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker