Ciidamada Booliska JSL oo sheegay in ay qabteen sagaal eedaysane oo ku hawlanaa iibsashada kaadhadhka Codaynta.
Ciidamada Booliska JSL ee Magaalada Hargaysa ayaa hawlgal ay sameeyeen gacanta kusoo dhigay sagaal eedaysane , kuwaasi oo ku hawlanaa iibsashada kaadhadhka Codaynta , waxaana eedaysane kasta gaarkiisa loogu qabtay kaadhadh.
Taasi oo baal-marsan xadgudibna ku ah Xeerarka dalka iyo anshaxa guud doorashada. dhammaantood eedaysanayaasha waxa degdeg loo horgayn doonaa Ha’yaddaha garsoorka.
Taliska Ciidanka boolisku waxa uu bulshada uga digayaa falalka noocaasa , waxaana qof kasta oo lagu qabto fal dambiyeedkan laga qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan.”