Israel ayaa markii ugu horeysay si rasmi ah u qiratay in ay ka dambeysay qaraxyada aalada pagers-ka

Raysalwasaaraha Israel ayaa sheegay in ay si buuxda ay isugu raaceen khatart Iran isaga iyo madaxweyne Trump. Sidoo kale waxa uu markii ugu horeysay sheegay in dalkiisa uu mas’uul ka ahaa qaraxyadii aalada pagers-ka iyo dilka Xasan Nasrullah.

Wuxuu sheegay in labada howlgal uu isaga ku adkeystay fulintooda inkastoo sida uu sheegay ay jireen in ay diideen mas’uuliyiinta difaaca iyo ammaanka.

Benjamin Netanyahu waxa uu sheegay in saddex jeer uu la hadlay madaxweynaha maalmihii u dambeeyay si loo xoojiyo xiriirka Israel iyo Mareykanka.

Mr Netanyahu wuxuu sidoo kale sheegay in isaga iyo Trump ay isku raaceen “khatar Iran”, “Waxaan si buuxda isugu raacnay khatarta ka imaaneysa Iran iyo tan ay abuuri karto”.

Sida laga soo xigtay warbaahinta Israel, Mr Netanyahu waxa uu sidoo kale sheegay in dilka Xasan Nasrullah iyo qaraxyada aalada pagers-ka ay ahaayeen talo uu isaga ku adkeystay.

Tani waa markii ugu horeysay ay Israel si rasmi ah u sheegato in qaraxyada aalada Pagers-ka iyo dilka Xasan Nasurlah ay iyada ka dambeysay

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker