Qatar oo sheegtay inaysan sii wadi doonin dhexdhexaadinta Israel iyo Xamaas

Dowladda Qatar ayaa ku dhawaaqday inaysan qayb ka sii ahaan doonin dadaalada lagu dhexdhexaadinayo Maamulka Israel iyo Ururka Xamaas, ka dib markii wada hadalada ay noqdeen kuwo aan miro-dhal lahayn.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar, Majed Al Ansari ayaa sheegay in dalkiisu uu hakiyay doorkiisii dhexdhexaadinta ee dhinacyada, illaa ay ka muujinayaan rabitaanka iyo inay ka go’an tahay in la gaaro heshiis lagu soo afjarayo dagaalka Gaza.

Afhayeenka ayaa sheegay in Xukuumadda Doha ay 10 cisho ka hor dhinacyada ay khuseyso wada hadalada ku wargelisay, waxa ay damacsan tahay.

Doha ayaa xalay go’aankeedan ku dhawaaqday, ka dib markii wada hadalada ay billihii u dambeeyay noqdeen kuwo aan wax horumar ah lahayn.

Shuruudaha is diidan ee labada dhinac ayaa wada hadalada ka dhigay kuwo aan natiijo lahayn.

Xamaas ayaa dalbatay in xabad joojinta Gaza ay noqoto mid dhameystiran iyo in Ciidamada Israel ay ka wada baxaan Marinka Gaza, halka Israel ay ku adkeysanayso xabad joojin ku-meel-gaar ah iyo in ciidamadeeda ay ku sii sugnaadaan xadka Marinka Gaza iyo Masar.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa marar kala duwan sheegay in joogitaanka ciidamadiisa ee Waddada Philadelphi ama Philadelphi Corridor ay muhiim u tahay amniga Israel, isla-markaana aysan ka soo saari doonin ciidamada.

Raysal Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar, Mohammed bin Abdulrahman Al Thani ayaa daba-yaaqadii bishii October sawir mugdi ah ka bixiyay masiirka wada hadalada, iyadoo markaasi la soo jeediyay xabad joojin wax ka yar muddo bil ah. Raysal Wasaaraha ayaa xilligaasi sheegay inaysan wada hadaladu guuleysan doonin, haddii aysan dhinacyadu wax tanaasul ah ka samayn shuruudaha ay ku gorgortamayaan.

Saraakiil ka tirsan Ururka Xamaas ee Falastiin oo aan magacyadooda la sheegin ayaa Warbaahinta gobolka u sheegay in ay la socdaan go’aanka Qatar ay haatan ku hakisay inay qayb ka sii ahaato wada hadalada.

Maamulka Israel ayaan weli dhankooda ka hadlin, haddii ay ka war hayaan in Qatar ay joojisay doorkeedii dhexdhexaadinta ee wada hadalada nabadda iyo in kale.

Qatar iyo Masar oo Mareykanka uu taageerayo ayaa garwadeen ka ahaa kulamadii lagu raadinayay xalka xabad joojinta Gaza iyo heshiiska maxaabiis is dhaafsiga ee Xamaas iyo Israel.

Fashilka hareeyay wada hadaladan ayaa dhabaha u xaaray dagaalka Israel iyo Xisbullah ku dhex maraya deegaanada xuduudda ee Israel ee iyo Lubnaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker