Qatar oo sheegtay in Xafiiska Ururka Xamaas ee dalkeeda uu sii furnaan doono
Qatar ayaa sheegtay inaysan xiri doonin Xafiiska Siyaasadda Xamaas ee Magaalada Doha, ka dib markii Mareykanka uu ka dalbaday in Saraakiisha Xamaas ay dalkeeda ka ceyriso, maadaama sida ay ku eedeynayaan ay caqabad ku yihiin wada hadalada xabad joojinta Gaza iyo is dhaafsiga maxaabiista.
Saraakiil Mareykan ah oo magacyadooda la qariyay ayaa Sabtidii sheegay in Washington ay Doha u sheegtay inaanan la aqbali karin joogitaanka Xamaas ee dalkaasi.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar, Majed Al Ansari ayaa sheegay inaanan la xiri doonin Xafiiska Siyaasadda Xamaas ee Doha.
Afhayeenka ayaa sheegay inaysan sax ahayn in la xiro xafiiskaasi, bacdamaa hadafka ugu weyn ee xafiiskaasi uu yahay in uu noqdo marin ay ku wada xiriiraan dhinacyada ay khuseyso.
Afhayeenka ayaa muujiyay inaysan dooneyn in uu lumo xiriirka Xamaas, sidaasi daraadeedna uu xafiisku sii furnaan doono.
Ururka Xamaas ayaa xaqiijiyay inaysan wax culeys ah kala kulmin dowladda dalkaasi, si ay uga guuraan Magaalada Doha.
Saraakiisha Aqalka Cad ayaa laga soo xigtay in Maamulka Madaxweyne Joe Biden uu Qatar ku wargeliyay inuusan faa’iido lahayn in xafiiskaasi uu sii furnaado, loona baahan yahay in la eryo Saraakiisha Xamaas.
Wakaaladda Wararka Ruushka ee Sputnik ayaa goor sii horreysay ku warantay in Doha ay iska diiday in albaabada la isugu laabo xafiiskaasi.
Xafiiskan oo dhowr iyo toban sano furan ayaa ah kan ugu weyn ee ay Xamaas ku leedahay dibadda, waana halka ugu dhow ee laga helo xiriirka ururka, iyadoo loo sii marayo Dowladda Qatar.
Xamaas ayaa ballanqaad dib u dejin ah ka haysata Yemen, Ciraaq iyo Algeria, haddii uu culeys ka soo fuulo dalka yar ee Carbeed.
Qatar oo ka mid ah Dowladaha Khaliijka, saaxiibna la ah Mareykanka ayaa lagu tilmaamaa dalka ugu saamaynta badan gobolka ee dhanka diblomaasiyadda.
Dalkan hodanka ah ayaa leh farsamo iyo xiriiro diblomaasiyadeed oo dunida uu la leeyahay, waana dalka qaniga ah ee maalgeliya mid ka mid ah Warbaahinta ugu afka dheer dunida, waa TV-ga Al Jazeera.
Qatar ayaa udub dhexaad u ahayd wada hadalada xabad joojinta Gaza iyo heshiiska maxaabiis is dhaafsiga ee Israel iyo Xamaas, iyadoo la shaqeynaysa Masar iyo Mareykanka.
Qatar ayaa daba-yaaqadii bishii hore ee October martigelisay wada hadaladii ugu dambeeyay oo ku soo dhammaaday natiijo la’aan, ka dib markii Xamaas iyo Israel aanu midkoodna wax tanaasul ah ka samayn shuruudaha ay ku gorgortamayaan.
Doha ayaa xalay sheegtay inaysan sii wadi doonin dhexdhexaadinta dhinacyada, illaa ay ka muujinayaan rabitaanka iyo inay ka go’an tahay in la gaaro heshiis lagu soo afjarayo dagaalka Gaza.