Ciidamada Israel oo walaac ka muujiyay dagaalka ay kaga jiraan xuduudda Lubnaan

Ciidanka Difaaca Israel ayaa laga soo xigtay in dagaal adag ay kaga jiraan xuduudda ay la wadaagaan dalka Lubnaan, isla-markaana ay iska caabin culus kala kulmayaan Xoogaga Ururka Xisbullah.

Ciidamada Israel ayaa 1-dii bishii October bilaabay inay hawlgal dhinaca dhulka ah ka sameeyaan deegaanada xadka koonfureed ee dalka Lubnaan, ka dib markii ciidamadaasi la soo dhoobay jiidda waqooyi ee Israel.

Ciidamada Israel ayaa loo diray inay burburiyaan kaabeyaasha militari ee Xoogaga Xisbullah ay ku leeyihiin deegaanada xadka koonfureed ee Lubnaan, isla-markaana ay 30km gudaha u galaan koonfurta Lubnaan, iyagoo halkaasi ka sameysanaya fariisimo, si looga ilaaliyo amniga deegaanada waqooyiga Israel ee saaran xuduudda.

Istiraatiijiyadda dagaalka Israel ee waqooyiga ayaa ah, sidii Israeliyiinta reer waqooyiga ah dib loogu soo celin lahaa guryahooda, ka gadaal markii ay ku barakaceen gantaalihii muddada sanadka ahayd isaga gudbayay dhulka xuduudda ee labada dal.

Istiraatiijiyaddan ayaa ku lug leh khataro howleed joogto ah, marka aad eegto in ciidamadu ay wajahayaan cudud awood badan, isla-markaana u diyaarsan ka hortaga duulaanka dhinaca dhulka.

Wargeyska The Wall Street Journal ee Mareykanka ka soo baxa ayaa Sabtidii daabacay wareysi uu la yeeshay Ciidamada Israel qaarkood, kuwaa oo sheegay in Xoogaga Xisbullah ay u dagaalamayaan qaabka Xamaas oo kale, balse ay ka hub iyo ciidanba badan yihiin.

Wargeyska ayaa ku waramay in Ciidamada Israel ay qireen in Xoogaga Xisbullah ay yihiin kuwo adag, isla-markaana ay qidadoodu dagaal tahay mid aad u sarreyso.

Ciidamadan ayaa sheegay in dhufeysyada Xisbullah iyo dhulka taagga ah ee ay xoogageeda saaran yihiin ay keeneyso inaanan si dhakhsa ah loo jebin.

Wargeyska ayaa sheegaya in Ciidamada Israel ee ka dagaalamaya xuduudda ay ka walaacsan yihiin nooca dagaal ee ay wajahayaan.

40 maalmood oo dagaalka xuduudda uu socdo ayaa waxaan jirin wax horumar la taaban karo oo Militariga Israel ay ka sameeyeen dagaalkan, isla-markaana ay iska caabinta Xisbullah tahay mid xoog badan.

Warbaahinta caalamiga ayaa warineysa in xeeladaha dagaalka ee Xisbullah ay qorshaha dagaalka ee Israel ka dhigtay mid fadhiid ah, isla-markaana ay suurtagal tahay in dhinacyadu ay garowsadaan in mustaqbalka dhow colaadda labada dal lagu xaliyo miiska wada hadalka.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu oo 3-dii bishan booqday deegaanada xuduudda ee waqooyiga Israel ayaa ku hanjabay in dagaalka ka dhanka ah Xisbullah uu sii socon doono, illaa iyo inta laga wiiqayo ururka reer Lubnaan.

Hoggaamiyaha Xisbullah, Naim Qassem ayaa Arbacadii muuqaal uu soo duubay ku sheegay in iska caabinta gobolka aan lagu jebin doonin dagaalkan, cidda ku khasaari doontana ay Israel tahay.

Hoggaamiyaha Xisbullah ayaa ku nuuxnuuxsaday in iyaga iyo Israel ay ku kala bixi doonaan meedaanka dagaalka.

Khubarada militariga ayaa qaba in Ciidamada Israel ay gacan weyn ku leeyihiin weerarada xagga cirka, balse marka ay noqoto dagaalka dhulka aad mooddo in looga gacan sarreyo.

Dagaalka dhinaca dhulka ayaa ka saamayn badan kan cirka, iyadoona aan la aqoon waxa ay ciidamadu kala soo laaban doonaan, waana xilli ay aad u sarreyso khatarta ay mar kastaba kala kulmi karaan, kolka ay ku duulaan dhul aan midkooda ahayn.

Dagaalada ceynkani oo kale ayay ciidamadu kala kulmaan dhibaato jireed iyo mid maskaxeed, labadaba, waaba haddii ay soo laabtaan iyagoo nool. Mararka qaarkood ciidan dagaal loo diray ayaa soo guryo noqda, iyadoo ay lixaadkoodii ku waayeen amaba xubnaha ugu muhiimsan ee jirkooda, miisaankooduna uu ka hooseeyo sidii uu ahaa, ka hor inta aysan hawlgalka aadin, taasoo qayb ka ah saamayn jireed ee dagaalka uu ku yeelanayo. Kiisaaska ugu badan ee aan ahayn dhimashada iyo dhaawaca waa askarta loo tixgeliyo inay qabaan xanuunada ku dhaca maskaxda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker