Taageerayaasha KULMIYE ee Caasimadda Hargeysa oo wacdaro dhul-garaariir ah ka dhigay Beerta Xorriyadda iyo madaxweynaha oo kala qaybgalay
Taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee ku dhaqan caasimadda Hargeysa, ayaa isu soo bixii ugu ballaadhnaa ka dhigay beerta xorriyadda ee caasimadda Hargeysa, waxana kala qaybgalay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna murrashaxa jagada madaxweyne ee KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi.
Kumannaan iyo kumannaan katirsan taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee caasimadda Hargeysa, oo ku lebbisan astaamaha xisbiga, islamarkaana xamaasad iyo xiiso gaar ahi ka muuqdo, ayaa goor hore oo saaka ahba soo buux-dhaafiyey fagaaraha beerta xorriyadda, waxana kala qaybgalay madaxweynaha qaranka, ahna murrashaxa jagada madaxweyne, Mudane Muuse Biixi Cabdi, xildhibaanno, wasiirro, madax-dhaqameed, hoggaanka ololaha xisbiga u qaabilsan gobolka Maroodi-jeex, haween iyo haldoor kale.
Xubno kamid ah madaxda ololaha u qaabilsan xisbiga KULMIYE, badhasaabka gobolka, maayar-ku-xigeenka caasimadda iyo haldoor kale oo halkaas ka hadlay, ayaa si mug iyo miisaan leh ugaga mahadnaqay taageerayaasha KULMIYE ee gaadhay heer ay beerta xorriyaddu qaadi kari weydo, waxana ay ugu baaqeen inay codkooda ku hubsadaan maalinta la codaynayo oo heegan buuxa ku jiraan.
Xildhibaan Cabdinaasir Qodax oo kamid ah mudaneyaasha xisbiga KULMIYE ee gobolka Maroodi-jeex oo halkaas ka hadlay, ayaa taageerayaasha xisbiga KULMIYE ugu baaqay inay codkooda la garab galaan murrashaxiinta xisbiga KULMIYE, kana digtoonaadaan inay maalinta codaynta meel kale waqtigooda geliyaan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo la hadlay jamaahiirta taageersan xisbiga KULMIYE ee isugu soo baxay fagaaraha beerta xorriyadda, ayaa uga mahadnaqay xamaasadda iyo taageerada luxdan ee ay muujiyeen, waxana uu ugu baaqay in sida ay ugu midaysan yihiin isu soo baxooda ay ugu midoobaan bixinta codkooda maalinta sanaaduuqda la gaadho.