Dadka ku dhimanaya duqaymaha Israel ka waddo Lubnaan oo tiradooda ay kordheyso

Wasaaradda Caafimaadka Lubnaan ayaa sheegtay inay korodhay tirada dadka rayidka ah ee lagu dilay iyo kuwa kale ee ku dhaawacmay weerarada xagga cirka ah ee ay diyaaradaha dagaalka Israel ka wadaan dalkaasi.

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa duqaymo xiriir ah ka gaysanaya inta badan deegaanada bariga iyo koonfurta dalka Lubnaan, oo ay ku jirto Beirut, iyadoo Militariga Israel uu ku andacoonayo in ay beegsanayaan xarumaha ciidamada iyo dhaqaalaha ee Ururka Xisbullah.

Ciidanka Cirka Israel ayaa xalay oo ugu dambeysay si xun u garaacay xaafado ku yaala koonfurta Caasimadda Beirut.

Mowjadaha cusub ee duqaymaha cirka ayaa sidoo kale saamayn ku yeeshay waddooyinka ku dhow dhow Garoonka Diyaaradaha ee Rafic Hariri.

Wasaaradda Caafimaadka Lubnaan ayaa goor sii horreysay sheegtay in duqaymaha Israel ay ku dhinteen 52 qof, 161 kalena ay ku dhaawacmeen.

Wasaaradda ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in tani ay tirada dadka rayidka ah ee lagu dilay duqaymaha Israel ay ka dhigeyso 3,103 qof iyo dhaawaca 13,856 kale.

Shaqaalaha caafimaadka ee ka hawlgala dalkaasi ayaa sheegay in dad badan oo dumar iyo carruur ay ku jiraan ay ku dhimanayaan duqaymaha socda, inkastoo Israel ay sheegtay in yoolku uu yahay keliya goobaha Ururka Xisbullah.

Israel ayaa daba-yaaqadii bishii September ballaarisay weeraradeeda xagga cirka ee ay ka gaysaneyso dalkaasi, waxayna 1-dii bishii October ku dhawaaqday hawlgal dhinaca dhulka ah oo ciidamadeeda ay ka sameynayaan deegaanada xadka koonfureed ee dalkaasi, taasoo sii hurisay dagaalka ay kula jirto Xisbullah.

Hoggaamiyaha Ururka Xisbullah, Naim Qassem ayaa Israel ku eedeeyay in ay si ula kac ah u beegsaneyso dadka rayidka ah, halka ay iyagu hadaf ka dhiganayaan ciidamada iyo xeryahooda, waana taas farqiga u dhaxeeya labada dhinac, sida uu yiri.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker