Taageerayaasha kooxda kubadda cagta Israa’iil oo la weeraray

 

 

Booliska dalka Holland ayaa xabsiga u taxaabay 57 qof oo laga kaxeeyay bartamaha magaalada Amsterdam, kadib markii ay dhaceen isku dhacyo u dhaxeeya dhalinyaro u dhashay waddanka iyo taageerayaasha kooxda kubadda cagta ee Israa’iil.

 

Raysal wasaaraha dalkaas, Dick Schoof, ayaa cambareeyay “weerarrada navcaybka ku saleysan ee ka dhanka ah yuhuudda”.

 

Dhanka kale, raysal wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in magaalada Amsterdam loo diray “laba diyaaradood oo badbaado ah” kadib markii ay dhaceen wax ay milateriga israa’iil ugu yeereen “dhacdooyin rabshado ah oo ka dhan ah Israa’iilyiinta”.

 

Afhayeenka booliska ayaa warbaahinta dowladda Holland u sheegtay in rabshado ay ka dhaceen aaga Dam Square ee bartamaha caasimadda, balse ma aysan sheegin cidda ku lug lahayd.

 

Taageerayaasha kooxda kubadda cagtaa Maccabi Tel Aviv, ayaa u safray magaalada Amasterdam, si ay uga qeyb galaan kulan ka tirsanaa koobka Europa League, oo ay la lahaayeen kooxda Ajax.

 

Cayaartaas ayaa waxay ku soo idlaatay 5-0 oo koxda Israa’eel ee Maccabi Tel Aviv Israa’iil looga adkaaday.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker