Kamala Harris oo wacad ku martay inay soo gaba-gabeyn doonto dagaalka Qasa
Waxaa heer gaba-gabo ah maraya doorashada madaxtinimo ee waddanka Mareyykanka, kaas oo lagu wado inay dalkaas ka dhacdo malinta Talaadada, 5-ta bishan.
Labada musharax ee kala ah, Kamala Haris iyo Donald Trump, ayaa labaduba waxay ku dedaalayaan sidii ay u soo jiidan lahaayeen dadka aan weli go’aanka ka gaarin cidda ay codkooda siinayaan.
Kamala Haris, oo hadal ka jeedisay gobolka Michigan, oo ah gobolka ay ku noolyiin dad badano oo asal ahaan Carab ah, ayaa waxay wacad ku martay inay soo gabo-gabeyn doonto dagaalka Qasa, oo socda in ka badan sanad, iyadoo sheegtay inay u mari doonto waddo kasta.
In ka badan 75 milyan oo qof oo ku nool Mareykanka ayaa lagu soo warramayaa inay horey u dhiibteen codadkooda, sida laga soo xigtay shaybaarka doorashada ee jaamacadda Florida, kaas oo la socda macluumaadka shaacinta ee dalka oo dhan.
Isu soo bixii ugu dambeeyay ee Donald Trump Sabtidii waxa uu ka dhacay North Carolina, gaar ahaan magaalada Greensboro.
Gobolka ayaa u codeeyay Trump doorashooyinkii madaxtinimo ee 2016 iyo 2020. Wuxuu ku bilaabay hadalkiisa inuu soo celin doono “riyadii Mareykanka” wuxuuna ku andacooday inuu qabtay ” isu soo baxyadii ugu weynaa ee taariikhda waddan kasta.
Khudbad uu jeediyay, oo socotay ku dhawaad 90 daqiiqo, ayuu ku soo hadal qaaday hadalkiisii caanka ahaa ee “war been abuur ah” wuxuuna Kamala Harris ku tilmaamay “beenaaleey”.