Culimada Gobolka Togdheer oo war ka soo saaray colaadda Degaannada Buuhoodle iyo Qori-lugud Culimada Gobolka

Culimada Gobolka Togdheer ayaa ku baaqay in la joojiyo colaadda dhiigga islaamku ku daadanayo ee ka taagan degaannada u dhexeeya Buuhoodle iyo Qorilugud, lagana fogaado isku dirka iyo buunbuuninta wax kasta oo colaadda sii hurin kara, waxayna soo saareen qodobadab;

1. Culimada Gobolka Togdheer waxay ka xun yihiin colaadaha iyo dagaalada qabyaaladeed ee ka jira degaanka u dhexeeya Buuhoodle iyo Qori-lugud, kuwaasi oo ay ku dhinteen, kuna dhaawacmeen dad badan oo daris iyo walaalo ah.

2. Culimadu waxay ugu baaqayaan reeraha wada dega deegaannada colaadu ka jirto ee Buuhoodle iyo Qori-lugud nabad iyo walaalnimo.

3. Culimadu waxay caddaynayaan in dagaal kasta oo muslimiinta dhexdooda ka dhacaa uu yahay dagaal fidmo oo xaaraan ah oo lagu caddaab mudanayo sida Ilaahay SWT uu quraankiisa ku sheegay.

4. Culimadu sidoo kale waxay caddaynayaan in ay dambi tahay oo aanay bannaanayn in dirirta iyo dagaalada qabyaaladeed lagaga qaybqaato naf, maal, talo iyo taageero intaba.

Culimada Gobolka Togdheer waxay ugu baaqayaan guud ahaan waxgaradka, ganacsatada, haldoorka bulshada iyo madax-dhaqameedka labada dhinacba inay gutaan kaalintooda kaga aadan nabadaynta dadka walaalaha ah ee dirirtu ku dhex martay degaannada Buuhoodle iyo Qori-lugud

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker