Komishanka Doorashooyinka oo Kullan la qaatay Guddida Amniga Gobolka Togdheer.
Gudoomiye Kuxigeenka KDQ Axmed Cismaan Xasan iyo Komishineer Siciid Maxamed Cisnmaan oo ku sugan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa maanta waxay kulan la yeesheen Guddida Amniga Gobolka Togdheer oo ay hormuud u yihiin Badhasaabka Gobalka Togdheer, iyo Taliyayaasha Ciidamada kala duwan ,waxay labada dhinac kulanka kaga wada hadleen hawlaha amniga doorashada.