Tobnaan Falastiiniyiin ah oo lagu dilay Marinka Gaza
Ciidamada Isra’il ee ka dagaallamaya Gaza ayaa Jimcihii sii waday duqeymaha cirka ah ee ay ku garaacayaan qeybo badan oo ka mid ah Marinka Go’doonsan ee Gaza.
Ila wareedyada caafimaadka ayaa sheegay in ugu yaraan 21 Falastiiniyiin ah lagu dilay duqeymo cirka ah oo ay Isra’il ku bartilmaameedsatay shalay xerada qaxootiga Nuseeyraat ee bartamaha Gaza.
Saraakiisha caafimaadka Isbitaalka Al Aqsa ayaa xaqiijiyay in dadka la dilay ay ku jireen canug 18 bilood jira iyo walaashiis ka weyn oo aheyd 10 jir.
Madaafiic ayaa sidoo kale lagu garaacay deegaanka Deyral Balax, halkaas oo la sheegay in lagu dilay afar kale, taas oo ka dhigeysa tirada Falastiiniyiinta Jimcihi la dilay 25 ruux.
Isra’il waxay sheegtay in ay bartilmaameedsatay kaabayaasha Xamaas iyo meelo ay dagaalyahannadoodu ka howlgalayeen oo u dhaw Xerada Nuseyraat. Ma aysan sheegin duqeymaha kale ee ay ku garaaceen meelaha ka baxsan xeradaan.
Bayaan kale oo ay ciidamada Isra’il soo saareen shalay waxay ku sheegeen in weerar cirka ah oo ay ka fuliyeen degmada koofureed ee Khan Younis ay ku dileen sarkaal sare oo ka tirsan qeybta siyaasadda Xamaas, kaas oo lagu magacaabo Cizat-ddiin Qasab iyo kaaliyihiisii Ayman Cayaash.
Xamaas waa ay xaqiijisay dilka Cizaddin.
Tan iyo bishi October ee sannadki 2023-ki, Falastiiniyiinta lagu dilay Gaza ayaa kor u dhaaftay 43 kun, sida ay xaqiijiyeen ilaha caafimaadka iyo kuwa gurmadka Gaza iyo sidoo kale warbaahinta caalamiga ah.