Xisbi muddo dheer xukumayay Botswana oo guuladarro kala kulmay doorasho dalkaas ka dhacday

Codbixiyaasha Botswana ayaa ka codeeyay xisbiga talada haya ee dalkaas, taasoo ka dhigan in dhulgariir siyaasadeed uu ka dhacay dalka qaniga ku ah dheemanka.

 

Xisbiga Dimuqraadiga ee Botswana (BDP) – oo talada haya tan iyo markii ay xornimada qaateen 1966, ayaa ku guuleystay hal kursi oo baarlamaani ah saaka oo Jimco ah.Waxay u egtahay in lagu badali doono Dallada Isbedelka Dimuqraadiyada ee UDC.

 

Madaxweyne Mokgweetsi Masisi ayaa aqbalay guul-darrada, isaga oo sheegay in ay caddahay in xisbigiisa BDP uu guul-darraystay.

 

Sida muuqata isbadel weyn ayaa dhacay Botswana, kobac dhaqaale oo liita iyo shaqo la’aanta sare u kacday ayaa hoos u dhigtay taageerada xisbiga.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker